MUQDISHO (KAAB TV) – Iyadoo ay ka qeyb galayaan madaxda dalalka Carabta, waxaa maanta oo Khamiis ah magaalada Manama ee dalka Baxreyn ka furmay kalfadhiga 33-aad ee Golaha Jaamacadda Carabta.
Shir madaxeedkan ayaa si weyn loogu lafa guri doonaa duulaanka Israel ee Marinka Gaza iyo dadaalada lagu joojinayo dhiiga shacabka reer Falastiin iyo sidii loo soo afjari lahaa dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ay wajahayaan.
Xaalada Qaza ayaa ka sii dartay howlgalada ay ciidamada Israel ka wadaan magaalada Rafah ee Falastiin, taasi oo u baahan mowqif cad oo beesha caalamka ay ka qaadato tallaabadan.
Intaa waxaa dheer, dagaalka sokeeye ee ka socda Suudaan ayaa looga hadli doonaa shir madaxeedka, ayuu yiri afhayeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Jamaal Rushdi oo faallooyin warbaahineed ku siiyay barnaamijka “Kol Youm” ee TV-ga T.V.
Waxa uu intaasi ku daray in Shir-madaxeedkan lagu xalin doono mushkiladda Somalia si dalka looga taageero sidii uu Qaranimadiisa u ilaalin lahaa oo ka dhan ah damaca Ethiopia. “Heshiiska dhulka Soomaaliyeed waa buray wuxuuna halis ku yahay midnimada Soomaaliya,” ayuu yiri Rushdi.
“Intaa waxaa dheer, arrinta ku saabsan amniga biyaha ee dalalka Carabta waxay noqon doontaa ajandaha Shirmadaxeedka Bahrain,” ayuu sii waday, isagoo tilmaamaya in sameynta golaha cusub ee amniga internetka oo ku biiri doona Jaamacadda Carabta laga wada hadli doono.
Madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi, oo ay weheliyaan madax kale oo caalami ah, ayaa ku wajahan Boqortooyada Baxrayn maalmihii Arbacada iyo Khamiista.

