Hargeisa (KAAB TV) – Maamulka Somaliland ayaa maanta oo Sabti ah u dabaal degay sanad guuradii 33-aad ee ka soo wareegtay markii ay xornimada qaateen, iyadoo munaasabado si heer sare ah loo soo agaasimay ay ka dhaceen guud ahaan gobolada Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, masuuliyiin ka tirsan mucaaradka, iyo masuuliyiin kala duwan ayaa ka qayb galay xuska 18-ka May oo maanta si weyn looga xusay magaalada Hargeysa.
“Somaliland maaha gobol ka go’aya sida Afrika uga baqayso, cid kastaa way qirsan tahay inaynu ahayn laba dal oo midoobay, warbixintii Midowga Afrika ee 2005-tii waxa lagu sheegay inay Somaliland ka duwan tahay arrimaha kale ee Afrika,” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.
Madaxweyne Biixi oo ka hadlay heshiiskii Is-afgaradka ahaa ee dhawaan dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan joojin karin heshiiska Badda Cas, dhawaanna la dhaqan gelin doono. Soomaaliya ayuu ku eedeeyay in ay marin habaabisay caalamka, isla markaana ay heshiiska ka dhigtay mid halis ah.
“Itoobiya waxay naga codsatay inaynu saldhig ciidan siiso oo ay noqdaan kuwii ugu horeeyay ee Somaliland aqoonsada, taasina waa inaan la iska indho-tirin,” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.
Itoobiya iyo Somaliland oo aan bad lahayn ayaa 1-dii January kala saxeexday heshiis is-afgarad ah oo lagu kireynayo 20 km (12 mayl) oo xeebta Somaliland ah. Heshiiskan ayaa dhigaya in dhulka xeebta ah ee ku xeeran dekedda Berbera ee gacanka cadmeed ay Itoobiya u isticmaali doonto muddo 50 sano ah arrimo ciidan iyo ganacsi.
Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo isna halkaasi ka hadlay ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay midnimada iyo wadajirka xuska 33 guurada Somaliland.
In kasta oo ay Somaliland u shaqaynayso sidii dawlad rasmi ah oo leh baasabooro iyo dastuur u gaar ah, haddana Somaliland weli ma aqoonsanin Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo dalal badan oo uu Maraykanku ku jiro.

