Wabiga Shabeelle oo caawa ku fatahay Baladweyne.

|

Baledweyne (KAAB TV)- Wabiga Shabeelle ee dhexmara magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa caawa ku fatahay qeybo ka mid ah xaafadaha Baladweyne,
Webiga ayaa biyo farabadan keenay xaafadaha Bundaweyn iyo Howlwadaag, kadib markii uu webiga jabsaday karkaarka, waxaana saacadihii lasoo dhaafay laga cabsi qabay fatahaada uu sameeyay webiga. Biyaha ayaa dhex ceegaaga waddooyinka iyo guryaha.
Magaalada Baladweyne qaarkood dadka qaar ayaa hore uga barakacay dadkii ku dhaqanaa gudaha magaalada, kuwaas oo u barakacaya dhulka taaga ah oo aysan biyaha galin si ay uga baxsadaan halista ka dhalan karta biyaha wabiga Shabeelle.
illaa iyo hada ma jiraa o jirin wax khasaare nafeed ah oo ay geysteen fatahaada ku dhufatay inta badan xaafadaha Baladweyne.
Si kastaba dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii ugu danbeeyay ka digeysay fatahaadaha ay sameeyeen webiyada Jubba iyo Shabeelle,

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News