Baledweyne (KAAB TV)- Qeybo ka mid ah Xaafadaha Xaawa taako iyo Kooshin ee magaalada Baledweyne ayaa Xalay iyo maanta waxaa ka jira barakaci ugu badnaa, kadib markii uu karkaarada ku jabsaday Wabiga Shabeelle ee dhexmara gudaha magaalada Baledweyne.
Laamaha Dhagax jibis, Raadeerka, Kutiimo iyo laabka oo ka kala tirsan xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako ah ayaa ah goobaha ilaa Xalay qoysaska ugu badan ay ka qaxayaan.
Qaar ka mid ah dadka ka barakacay xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako ayaa inoo sheegay in meelo badan oo horay biyaha looga xiray in kooxo ka macaasha barakaca fatahaada ay so fureen biyaha, taasina ay sababtay in qoysaskii ugu badnaa guryahooda biyaha uga barakacaan.
Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa warbaahinta u sheegay in fatahaada webiga Shabeelle ay keentay cabsi, maadaama biyaha ay ka gudbeen qararka webiyada.Beledweyne.
Dadka ku nool xaafadaha Buundaweyn iyo Howlwadaag ayaa haatan wajahaya cabsidii ugu xooganeyd, maadama wabiga heerkiisu uu gaaray halkii ugu sareysay, islamarkaana ay jiraan kooxo doonaya iney biyaha kusoo furaan dadka shacabka ah si ay u barakacaan.
Sanad walba marka la gaaro xilli roobaadka, waxaa webiga Shabeelle ku fataha gobollada uu maro guud ahaan Soomaaliya; Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose