Wararkii ugu dambeeyay fatahaada baladweyne{sawirro}

|

Baledweyne (KAAB TV)-  Barakac horleh ayaa maanta ka billowday xaafadaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib markii uu shalay gelinkii dambe roob xoogan uu ka da.ay magaalada baladweyne

Biyo fara badan ayaa galay xalay xaafadaha Xaawo Taako, Howlwadaag, Kooshin iyo Buundo Weyn oo ka wada tirsan Beledweyne.

Shacabka ku noolaa xaafadahaasi ayaa isaga barakacay guryahooda, kadib markii ay fatahaad ku dhufatay xarunta gobolka Hiiraan.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa ka warbixiyay barakaca haatan ka socda Beledweyne iyo xaaladda guud ee magaaladaasi.

“Haddii aan ka hadlo xaafadeyda aniga iyo lix qoys oo wada daganeyn waan kasoo barakacnay xaafadda dadkii qaar kood way qaxeen biyaha waa nagu saa’id,” ayuu yiri.

Ganacsatada magaalada Baladweyne ayaa muddo sannad gudaheed wajahaya dhibaato ka dhalatay fatahaada uu geystay webiga shabeelle.

Goobaha ganacsiga Baladweyne ayaa inta badan albaabada loo laabay, halka ganacsatada qaarkoodna ay alaabada horteeda ka dhisteen bulikeetiyo si looga hortago inay galan biyaha.

Fatahaadda wabiga Shabelle ee Beledweyne ayaa marar badan soo laa laalabatay, mana muuqd qorshayaal guud oo wax looga qabanayo fatahaadaasi oo saameyn ballaaran ku yeelatay nolosha dadka deegaanka iyo guud ahaan dhismaha magaaladaas aadka u weyn.

W/D: Bashiir Abdulahi Osmaan

Baledweyne.Somaaliya

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News