BARDAALE (KAAB TV) –Dagaal culus ayaa hada socdo gudaha degmada Bardaale ee gobolk baay.
Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa uu u dhexeeyaa ciidamada Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad beeleed la sheegay inay weerar kusoo qaadeen degmadaasi.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay warbaahinta in xaaladda ay cakiran tahay, ayna maqlayaan hubka ay is weydaarsanayaan labada dhinac.
Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan dagaalka ka qarxay degmada Bardaale.
Deegaanada Koonfur Galbeed ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay kusoo badanayay dagaal beeleedyada, kuwaas oo xiisaddooda ay ka taaganthay degmooyin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed .

