Mogadishu (KAAB TV) – Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fara-taag iyo Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Alper Aktas ayaa wada qaatay kulan looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Fara-taag ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga taageerada ay Soomaaliya la garab taagan tahay, taasina ay ka turjumeyso heerka uu marayo xiriirka labada dal sida uu sheegay wasiirka amniga gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa si weyn ugu mahad celiyay dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin iyo ka qeyb qaadashada horumarka dalka, amniga iyo baahiyaha bini’aadantinimo.
Danjire Aktas ayaa dhankiisa bogaadiyay Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fara-taag oo uu sheegay in uu kaalin mug leh ka qaadanayo xoojinta amniga iyo dadaallada Dowladda.
Safiirka cusub ee dowladda Turkiga u fadhin doona Soomaaliya Alper Aktas ayaa todobaadyadii la soo dhaafay magaalada Muqdisho kula kulmayay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo wakiillo kale, si kor loogu qaado xiriirka labada dal.
Turkiga waxa uu ka mid ahaa xulafada iyo deeq-bixiyayaasha ugu weyn ee Soomaaliya, isaga oo bixin jiray gargaarka bini’aadantinimo, kaalmaynta horumarinta, mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha, iyo tababarrada ciidamada. Turkiga ayaa sidoo kale ka howlgala saldhiga ugu weyn ee uu ku leeyahay magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu ku tababaro kumanaan ciidamo Soomaali ah.

