Flydubai oo joojisay duulimaadyadii Muqdisho sababo dhinaca amaanka ah.

|

Muqdisho (KAAAB TV) –  Shirkadda diyaaradaha ee Flydubai ayaa joojisay howlihii ay ku tagi jirtay iyo ka imaatinka Muqdisho, laga bilaabo Juun 11, 2024, sida lagu sheegay fariin loo diray la-hawlgalayaasheeda.

Farriinta ayaa lagu yiri, “Waxaan ka xunahay inaan ku ogeysiinno in sababo shaqo awgeed, flydubai ay joojin doonto howlaheeda Muqdisho/ka imaatinka Muqdisho laga bilaabo Juun 11, 2024. Duulimaadkayaga ugu dambeeya wuxuu shaqeyn doonaa Juun 10.”

Shirkaddu ma aysan cadeyn sababta ka dambeysay in shaqada laga joojiyo diyaaradda, balse wararka ayaa sheegaya in ay la xiriirto arrimo amni.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Flydubai ay qaado tilaabadaan oo kale. Bishii Abriil, xaalad la mid ah ayaa dhacday markii dhowr shirkadood oo diyaaradeed oo ay ku jirto Flydubai ay joojiyeen duullimaadyadoodii Muqdisho iyagoo ka jawaabaya digniin dhanka ammaanka ah oo ka timid safaaradda Mareykanka.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ayaa dib u bilaabay duulimaadkooda caasimadda Soomaaliya maalmo kadib.

Shirkadda Flydubai ee fadhigeedu yahay magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa duulimaadyadeeda toos ah ka bilowday magaalada Muqdisho 9-kii bishii March ee sanadkii 2023-kii, taasoo noqonaysa duulimaadkii ugu horreeyay ee toos ah ee isku xira Soomaaliya iyo Imaaraadka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News