Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Beesha Garxajis oo go’aano culus kasoo saartay dagaalka Laascaanood, kana baxday ergadii Biixi

|

Hargeysa (Kaab TV)  Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka beelaha Garxajis ee Somaliland ayaa maanta si adag uga hadlay dagaalka Laascaanood, iyaga oo madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyay xaaladda ka taagan magaaladaasi.

“Waxa leh masuuliyadda waxa ka dhacay Laascaanood xukuumadda Muuse Biixi Cabdi,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay beesha Garxajis ee Somaliland.

Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Hargeysa ayaa waxay kaga dhawaaqeen in beesha Garxajis aysan ka qeyb-galeyn kana mid noqoneyn ergada uu dhawaan sheegay Muuse Biixi inuu u dirayo Laascaanood, iyaga oo ku sababeeyay in ay qaadi karin masuuliyada in Biixi aqbalayo go’aamada ay ergadu gaadho.

“Beesh Garxajis waxa ay go’aansatay in aan ay ka qaybgelin kana mid ahayn ergada uu sheegay Muuse Biixi inuu u dirayo Laascaanood sababta oo ah ma qaadi karno kalsoonida inuu aqbalayo go’aamada ay ergadu gaadho annaga oo ku xisaabtamayna aanu jirin jawi nabadeed oo lagu wada-hadli karo,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay beesha Garxajis.

Waxay sheegeen in qaabkii ay uga fal-celisay xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi mudaharaadkii dadka reer Laascaanood uu ahaa mid qaldan, kaasi oo ay ku sheegeen mid ka baxsan nidaamkii lagu yaqaanay Somaliland, shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqul Insaanka.

“Waxaa ciidanku ay xabad nool la dhaceen dad shacab ah oo ka gadooday dilalka qorshaysan ee loo geesanayay haldoorka iyo birmagadada gobolka Sool mudada tobanka sanadood ka badan. Caburintaasi waxa ay la mid tahay hab dhaqanka qallafsan ee uu caadeeystay xukunka Muuse Biixi.”

“Waxaa cad in dhibtaas lagu maarayn karayay si ka duwan xabad iyo xoog ciidan. Beesha Garxajis oo maalmihii u dambeeyay laheyd wada-tashi iyo shirar ballaadhan oo ay kasoo qeyb-galeen qaybaha kala duwan ee ay beeshu leedahay waxa ay si xoog leh u cambaareynaysaa dagaalka ka socda Laascaanood iyo dilka shacabka aan hubaysnayn.”

Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka beesha Garxajis ayaa sidoo kale waxay soo jeediyeen in laga dhabeeyo xabad joojin labada dhinac ah, islamarkaana la kala fogeeyo ciidamada oo la geeyo meel aan xabadu iska gaadhi karin si xabad joojintu u hirgasho.

“In la joojiyo hadalada xanafta leh ee wax kala fogayn kara. Garaadada, guddida, culimada iyo waxgaradka beesha Dhulbahante waxa aanu ugu baaqaynaa inay qayb ka qaataan fulinta xabad joojinta iyaga oo ka qaadanaya doorka kaga beegan ee ah xakamaynta ciidanka.”

Ugu dambeyntiina waxay soo jeediyeen in aan wax caqabad ah lagu sameyn kaalmada bini’aadannimo ee la gaarsiinayo shacabka ku barakacay dagaalka halkaasi ka socda iyo dadka dhaawacu soo gaadhay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News