Wasiir Ku Xigeenka Xukuumadda Somaliya Oo Beeniyay Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Culimada Diinta Islaamka.

|

Muqdisho (KAAB TV) –  Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya Saalax Shariif Sayid-Cali, ayaa beeniyay inuu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxda sare ee Wasaaradda iyo qaar ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed.

Sayid-Cali oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle ayaa sheegay in aysan jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeya Aqoonyahanada iyo Wasiir Mukhtaar Roobow oo maalmihii u dambeeyay uu la kulmayay dhaliilo xoogan.

“Waxaa dhici karta in dhibaato ay dhacdo,taasna waxaa xalin doona hoggaanka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya”ayuu yiri Sayid-Cali.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo wasaaraddu ay hadda ku howlan tahay arrimaha xajka, iyadoo qaar ka mid ah culimada ay dhaliileen habka loo maamulayo howlaha xajka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News