39 Qof Oo Lagu Dilay Kenya Mudaaharaadyada dhacay.

|

NAIROBI (KAAB TV)  39 qof ayaa lagu dilay dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda Kenya oo bishii hore ka dhacay dalka Kenya, kuwaasoo ka dhashay canshuur kordhin la qorsheeyay, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqul insaanka ee qaranka Isniintii, taasoo laba jibaarantay tirada ay dowladdu qiratay illaa hadda.
Tirada la cusboonaysiiyay ayaa waxaa ku dhawaaqay guddiga qaran ee xuquuqul insaanka ee Kenya habeen hore oo la filayo in ay dhacaan banaanbaxyo cusub oo ay hogaaminayaan dadka u dhaqdhaqaaqa Gen-Z ee looga soo horjeedo dowlada Madaxweyne William Ruto.

“Xogta laga helay diiwaankayaga ayaa tilmaamaysa in soddon iyo sagaal qof ay ku dhinteen saddex boqol iyo lixdan iyo kowna ay ku dhaawacmeen mudaaharaadyada dalka oo dhan,” ayay hay’adda dawladdu maal-gelisay ku sheegtay hadal ay soo saartay, iyadoo intaas ku dartay in tirooyinkan ay dabooleen muddadii u dhexeysay Juun 18-keedii 1-da Luulyo.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay jireen 32 kiis oo ah “lagu qasbay ama la waayay si aan ula kac ahayn” iyo 627 la xiray mudaaharaadayaal.

“Komishanku wuxuu sii wadaa inuu cambaareeyo ereyada ugu adag ee suurtogalka ah ee rabshadaha aan loo baahnayn iyo xoogga loo geystay dibad-baxayaasha, shaqaalaha caafimaadka, qareennada, saxafiyiinta iyo goobaha nabdoon sida kaniisadaha, xarumaha caafimaadka degdegga ah iyo ambalaasta,” ayaa lagu yidhi.

“Waxaan ku adkeysaneynaa in ciidamada loo adeegsaday dibad-baxayaashu ay ahaayeen kuwo xad-dhaaf ah oo aan loo dhigmin.”

Mudaaharaadyo hor leh ayaa ay ku baaqeen dhaqdhaqaaqayaasha laga bilaabo talaadada in kasta oo Ruto uu todobaadkii hore ku dhawaaqay in sharciga ay ku jiraan kordhinta cashuuraha ee muranka dhaliyay laga noqon doono.

Ruto ayaa wareysi uu siiyay telefishinka ayaa u sheegay in 19 qof ay ku dhinteen mudaaharaadyada, balse wuxuu ku adkeystay inuusan isagu wax dambi ah lahayn.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News