MUQDISHO (KAAB TV) – Dhacdo naxdin leh oo Axadii lasoo dhaafay ka dhacday dalka Soomaaliya ayaa lagu dilay sarkaal ka tirsan ciidamada Uganda, lix askari oo kalena waa lagu dhaawacay, kadib markii kolonyo ay la socdeen ay qarax miino wadada dhinaceeda ku qaadeen.
Gaashaanle Patrick Opio Away, oo kolonyada taliyaha hogaaminayay ayaa naftiisa ku waayay qaraxii ka dhacay deegaanka Ceel-Werigow oo qiyaastii 70-KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho. Kolanyada la weeraray ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho, waxaana ay ku sii jeedeen deegaanka Ceeljaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Weerarkan ayaa waxaa lagu eedeeyay dagaalyahano ka tirsan kooxda Islaamiga ah ee Al-Shabaab oo muddo toban sano ka badan dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya. Kooxdan ayaa u jeeddadeedu tahay in ay afgambiso dowladda dhexe oo ay dejiso xukun ku dhisan tafsiir adag oo shareecada Islaamka ah.
Uganda, ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ilaa 5,000 oo askari oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), iyadoo weli ay ka go’an tahay inay taageerto dadaallada nabadda ee gobolka. Ibraahim Kasule Sekitto, oo ah afhayeenka ciidamada Uganda ayaa sheegay in weerarkaas uusan waxba u dhimi doonin go’aankooda balse taasi badalkeeda ay xoojinayaan dadaalkooda ku aadan nabadeynta Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa inta badan mas’uul ka ah weeraro ka dhaca Soomaaliya, kuwaas oo lagu bartilmaameedsado ciidamada dowladda iyo dadka rayidka ah. Kooxdan ayaa dalal iyo ururo caalami ah u aqoonsadeen urur argagixiso. Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, ATMIS, ayaa ku howlanaa xasilinta dalka iyo sidii dowladda looga taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Waayida Major Patrick Opio Away waxa ay si weyn u xasuusinaysaa khataraha ay wajahaan nabad-ilaalinta iyo caqabadaha amni ee ka jira Soomaaliya. Beesha caalamka ayaa sii wada taageerada dadaallada lagu doonayo in xasilooni iyo nabad loogu soo dabaalo gobolka, inkastoo ay jiraan khataro joogto ah oo kaga imaanaya Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjirka ah.

