BAYDHABO (KAAB TV) – Madaxweynaha KGS Cabdicasiis Laftagareen ayaa sheegay in colaadaha soo noqnoqday iyo abaaraha joogtada ah ay dadkii ka dhigeen kuwo aan awoodin inay cuntadooda soo saartaan.
Isagoo ka hadlayay kulanka Golaha Wasiirada ee KGS ayuu Madaxweyne Laftagareen sheegay in ay dadku u baahan yihiin taageerada dowladda oo ka taageerta inay dadka tacabkooda maalaan oo ay wax soo saartaan.
in ka badan 200,000 oo qof ayay saameeyeen roobabka sannadkan 2024 bilawgiisii ka da’ay gobollada dalka. Meelaha sida weyn ay u saameeyeen fatahaadaha waxaa ka mid ah magaalooyinka Baydhabo, Beledweyne, Jowhar iyo magaalooyinka gobolka Gedo.
Xaaladahan ayaa daba socday abaaro iyo xaalado u dhow macluul oo dalka ka jiray dalka.
Dhammaan xaaladahan ayaa qeyb ka ah raadadka ay reebeen isbeddelada cimillada ee saameeyay adduunka, iyadoo dalalka Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto si ba’an ay u saameeyeen xaaladahaasi.
QM ayaa sheegtay in dad ka badan 6 milyan oo ruux ay u baahan yihiin cunto, iyagoo wajahaya xaalad cunto yaraan gdaha Soomaaliya. In ka badan 2 milyan oo ruux oo dadkaasi ka mid ah waa barakacayaal ku kala nool gobollada dalka oo ay ku jiraan deegaannada Koonfur Galbeed iyo Muqdisho.