Muqdisho (Kaab TV) – Magaalada Muqdisho waxaa kusii baahaya dhibaatada daroogada, dilalka shacabka kala kulmayaan koox mooryaan ah oo la baxday ciyaal-weero iyo fas-haadka guud ee ka jira magaalada.
Habeen hore wiil dhalinyaro ayay toddoba dhinac toorey ka galiyeen kooxda burcadka ah ee la baxday ciyaal-weero.
Kooxdani waxay ka dhalatay daroogada kusii faafeysa caasimada Soomaaliya, waxay u labisan yihiin dhac, qofkii wax ay dhacaan ka waayan waa dilaan.
Waxay si weyn ugu faafeen degmooyinka gobolka Banaadir, iyada oo markii hore ay ku xooganaayeen Madiino iyo Kaaraan.
Xisaab malahan inta jeer ee maamulka gobolka Banaadir iyo ciidanka heer gobol lala wadaagay kooxdan, laakiin cid ahmiyad siisay dhibaatadaas ma jirto.
Dadweynuhu waa u dulqaadan la’yihiin meydadka ay maalin walba xabaalayaan. Xamar waxaa ku dilaya Al-Shabaab, Ciidanka Dowladda, Daacish, waxaa kale oo hadda kusoo biiray burcadan la baxday ciyaal-weero.
Shacab afar geeri u dhaxeeya waa adag tahay sida ay ku badbaadan. Dowladda oo canshuur qaada marka laga reebo, saddexda dhinac ee kale shacabka waa baadan.
Dhaqaale ahaa dadka caasimada waxay ku dhex jiraan bixinta baad iyo dhinaca kale bixinta canshuur aan lagu difaaceyn. Haddii aad isweydiiso magaalada sidan u dacayan yaa ka taliya jawaabtu waa Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), sababta uusan arrintaan xal ugu raadin, uga hadleyn, isaga iyo maamulkiisuna ugu muuqdan kuwa aanay dhib ku haynin waxa ka socda caasimada, cid ku fasiri karta waa yar-tahay.
Dayacaad xooggan ayaa ka jirta magaalada Muqdisho. Meelaha fashilka nidaamka Xasa Sheekh durba laga dhadhansanayo ayuu kamid yahay maamulka gobolka Banaadir.
Inay shacabka caasimada iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kala dhintaan hadda meel majirto, sababta oo ah dareenku kuma siinayo dil afar jiho kaga socda iyo bixinta baad saddex dhinac ah, iyo weliba canshuur kugu waajib ah oo aan haddana lagu adeegayn.
Al-Shabaab ayaa ka hadlay xaaladda sii xumaaneysa ee magaalada Muqdisho. Waxay sheegeen inay maalmo baarayeen dhibaatada kooxda burcad ah ee ciyaal-weero, iibka daroogada ee kusii baahaya magaalada Muqdisho iyo goobaha tumashada ee loo bedelay ganacsi dhaqaale badan laga sameeyo.
Al-Shabaab waxay sheegeen inay beegsan doonaan saddexdaasi dhinac oo ay aqoonsadeen dadka ku lugta leh.