Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Soomaaliya oo magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay la-tashiyada Kooxda Qaranka ee ka jawaabista Dhacdooyinkii Amniga Kombiyuutarrada.

|

Muqdisho (KAAB TV) – Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadam Macalin ayaa si rasmi ah ula furay la tashiyada Guddiga ka jawaabista Dhacdooyinka Kombiyuutarrada Qaranka oo ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Munaasabadda oo la filayo in ay qaadato saddex maalmood ayaa ujeedadeedu tahay in lagu xoojiyo kaabayaasha amniga internetka ee Soomaaliya iyo ilaalinta qaybaha muhiimka ah.

“Waxaan Muqdisho ku daah-furay Shirka Wadatashiga Kooxda Ka jawaabista Dhacdooyinka Badbaadada Kombuyuutarka Qaranka (CSIRT). Munaasabadan oo saddex maalmood soconeysa waxaa looga golleeyahay in lagu xoojiyo kaabayaasha amniga internetka ee Soomaaliya iyo ilaalinta waaxyaheenna muhiimka ah,” ayuu yiri

Waxaa xusid mudan in dowladda federaalka Soomaaliya ay sanadkii hore meel marisay sharciyo muhiim ah oo looga gol leeyahay in sare loogu qaado hanaanka amniga dalka. Hindise sharciyeedka Amniga Internetka iyo Xeerka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo laf dhabar u ah xoojinta difaaca Soomaaliya ee ka dhanka ah khataraha dhijitaalka ah iyo caqabadaha sirta.

Ansixinta biilasha Amniga iyo Sirdoonku waxay ka dhigan tahay horumar la taaban karo oo laga gaaray safarka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbal ammaan iyo adkeysi leh. Tallaabooyinka ayaa la filayaa inay xoojiyaan kaabayaasha dhijitaalka ah ee qaranka iyo awoodaha sirta, oo muhiim u ah xilliga sii kordhaya khatarta internetka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sanadkan xirtay bogag internet oo ay isticmaali jireen dagaalyahannada Al-Shabaab, kadib markii ay fuliyeen howlgalo dhanka ammaanka ah. Hawlgalka ayaa ku lug lahaa baaritaan lagu sameeyay mareegaha laga shakiyay iyo aqoonsiga milkiilayaashooda u diiwaan gashan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News