Laascanood (KAAB ) Magaalada Laasacnood ee gobolka Sool maanta waxa kulan ku yeeshay xubno ka kala socda isimada gobolada Sool , Sanaag iyo cayn iyo Dowladda Mareynkanka.
Waxaa looga hadlay kulankan intiisa badan dagaalka dadka badan ay ku dhimanayaan ee ka socda magaalada Laascanood halkaa soo weerar ay ku soo qaadeen ciidanka Somaliland.
Kulankan oo ahaa mid fogaan arag ah ayaa xubnaha SSC waxa ay la wadaageen Safaarada Mareynkanka ee Soomaaliya dhibaatada Ciidanka Somaliland ay ka gaysteen gobolada Sool , Sanaag iyo Cayn.
Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen Khasaaraha soo gaaray bulshada rayidka, fududaynta gargaarka iyo xalka dagaalka wali ka sii socda magaaalada Laascanood.
Waxa la sheegay in kulankan uu soo agaasimay Xildhibaan Maxamed Keyse oo ka tirsan Golaha shacabka isla markaanna magalaada Muqdisho ugula soo kulmay danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya.