Muqdisho (KAAB TV) – Booliska Soomaaliya ayaa dhaqan galiyay xeer lagu mamnuucayo in gaadiidka aan taarikada rasmiga ah lagu dhex isticmaali karin gudaha magaalada Muqdisho Awaamiirtan oo ujeedadeedu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonsiga gaadiidka iyo u hoggaansamida shuruucda waddooyinka ayaa keentay in la xir-xiro dhawr darawal iyo mulkiilayaasha baabuurta aan diwaangashanayn.
Sida ku cad qoraalka booliska, dhammaan baabuurta aan lahayn taarikada rasmiga ah waa in hadda lagu rakibaa calaamado aqoonsi oo ku habboon oo ay buuxiyaan shuruudaha sharciga ah ee lagama maarmaanka ah, oo ay ku jiraan bixinta canshuuraha ee Wasaaradda Gaadiidka. Dhaqan galka sharcigan ayaa daba socda digniino horay uga soo baxay Taliska Booliska Soomaaliyeed oo ku aadanaa in magaalada lagu dhex wato gaadiidka aan diiwaangashaneyn.
Iyadoo ay jiraan digniinahaasi ayaa hadana waxaa magaalada Muqdisho lagu arkayay gaadiid badan oo nooca raaxada ah oo ku shaqeeya bilaa taariko, kuwaasi oo qaarkood la sheegay inay wataan shaqsiyaad ku labisan dareeska ciidamada Joogitaanka baabuurtan aan diiwaangashanayn oo inta badan lala xiriiriyo dad hubaysan ayaa walaac ka muujiyay ammaanka iyo u hoggaansanaanta nidaamka.
Tallaabadan cusub ee dhaqangelinta ayaa looga gol leeyahay in wax looga qabto arrimahan iyadoo la hubinayo in dhammaan gaadiidka maraya waddooyinka Muqdisho ay yihiin kuwo si sax ah u diiwaangashan oo la aqoonsan karo. Booliska ayaa ku booriyay milkiilayaasha gaadiidka inay si degdeg ah ugu hogaansamaan sharciga si looga fogaado cawaaqib sharci isla markaana ay gacan ka geystaan hagaajinta maamulka gaadiidka iyo amniga caasimadda.

