Muqdisho (KAAB TV) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa ugu baaqay Soomaaliya inay diido heshiis kasta oo ay la gasho Itoobiya, kaasoo dhigaya in saldhig milateri laga sameysto badda Soomaaliya. Digniintiisa ayaa ku soo beegantay iyadoo Turkiga uu wado dadaalo diblumaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda sii xumaaneysa ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiis muran badan dhaliyay oo ay ku lug leedahay Somaliland.
Sharma’arke ayaa ku nuux-nuux saday in heshiis kasta oo lala galo Itoobiya si adag looga saaro qodobbada ku saabsan joogitaanka ciidan ama gacan ku haynta dhulka badda Soomaaliya. Waxa uu ku booriyay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay raadiso khubaro ku xeel dheer wada xaajoodyadan si loo ilaaliyo madax banaanida dalka.
Digniintan Sharma’arke ayaa ka turjumaysa walaaca ka dhex jira dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ee ku aaddan in heshiiskaasi uu noqon karo tallaabo halis ah, taasoo wiiqaysa awooddii ay ku lahayd maamulka la baxay Somaliland.
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamuud ayaa ka dhawaajiyay walaacyadaas, isagoo ku adkeystay in iskaashi kasta oo lala yeesho Itoobiya ay tahay in la ixtiraamo madax-bannaanida Soomaaliya, lana ilaaliyo shuruucda caalamiga ah.
Khilaafkan ayaa ka dhashay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee (MOU) ee la saxeexay January 2024-kii, kaas oo Itoobiya ku xaqiijisatay inay hesho dhul dhan 20 KM oo ka mid ah xeebaha Somaliland. Taas beddelkeeda, Itoobiya waxay sheegtay inay ka fiirsan doonto inay aqoonsato madax-bannaanida Somaliland, taas oo ay si weyn uga soo horjeesteen Soomaaliya oo u aragta Somaliland qayb ka mid ah dhulkeeda.
Itoobiya, oo ah waddan aan bad lahayn oo ay ku nool yihiin in ka badan 120 milyan oo qof, helitaanka badda waxay u tahay ujeeddo istiraatijiyadeed oo soo jireen ah. Is-afgaradka ay Somaliland la gashay Itoobiya waxa uu fursad u siinaya in ay xaqiijiso joogitaankeeda badda, taas oo ay u aragto in ay lagama maarmaan u tahay nabadgelyadeeda iyo horumarkeeda dhaqaale. Inkastoo uu sii kordhayo cadaadiska caalamiga ah, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa gaashaanka u daruuray heshiiska, isagoo ku dooday in baahida qarankiisa ee marin badeedka loo maro hab diblomaasiyadeed oo lagu ixtiraamo xasilloonida gobolka.
Somaliland waxa ay sidoo kale sheegtay, ilaa dabayaaqadii bishii July, in heshiiskaasi uu sii socon doono.
Si kastaba ha ahaatee, damaca Itoobiya ayaa Soomaaliya ku dhaliyay cabsi laga qabo in heshiiskaasi uu Somaliland ku dhiirrado in Somaliland ay hesho madax-banaani buuxda, taas oo sii murjinaysa xidhiidhkii labada dal ee jaarka ah oo markii horeba cakirnaa.

