Itoobiya oo ku boorisay in laga digtoonaado Qorshayaasha Nabad ilaalinta ATMIS kadib iyadoo Masar ay doonayso inay door ka qaadato Hawlgalka Soomaaliya.

|

Addis Ababa(KAAB TV) – Itoobiya ayaa ugu baaqday Midowga Afrika (AU) iyo Qaramada Midoobay in ay ka taxadaraan ciidammo nabad ilaalin ah oo dhowaan la geynayo Soomaaliya, iyadoo ku nuuxnuuxsatay baahida loo qabo in wadatashiyo dhammaystiran lala yeesho dhammaan dhinacyada muhiimka ah. Codsigan ayaa imaanaya iyadoo beesha caalamka ay isku diyaarinayso sidii looga gudbi lahaa howlgalka Midowga Afrika ee ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) looguna guurayo howlgalka cusub ee Taageerada Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaasoo billaaban doona Janaayo 2025-ka.

Nebiyu Tedla, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la hubiyo in hannaanka loo dirayo uusan horseedin isfaham la’aan ama xiisado gobolka. “Diritaan taxaddar leh ayaa muhiim ah si looga fogaado isfaham la’aanta aan loo baahnayn iyo xiisadaha gobolka ee lama filaanka ah, gaar ahaan gobolka xasaasiga ah sida Geeska Afrika,” ayuu yiri Tedla. Waxa uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in geeddi-socodku uu u hoggaansamo go’aannada Golaha Ammaanka ee khuseeya, lana tixgaliyo danaha dhammaan qaybaha gobolka.

Baaqa digniinta ah ee Itoobiya ayaa imaanaya xilli xasaasi ah, maadaama Masar ay gudbisay codsi ah in ay ciidamadeeda kala qeybgalaan howlgalka AUSSOM. Ku lug lahaanshaha suurtagalka ah ee ciidamada Masar ee Soomaaliya ayaa walaac ku abuuray dalalka deriska ah, marka la eego dhaqdhaqaaqa cakiran ee gobolka iyo xiisadaha taariikheed ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar, gaar ahaan arrimaha la xiriira biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) ee webiga Niil.

Mawqifka dawladda Itoobiya waxa uu muujinayaa baahida loo qabo hab dheeli tiran oo loo wada dhan yahay oo loo wajaho hawlgalka cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya, kaas oo si taxadar leh u eegaya dareenka geopolitics ee gobolka. Itoobiya oo ah xubin muhiim ah oo ka tirsan Geeska Afrika, ayaa muddo dheer ku hawlanayd dadaallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya, waxayna weli tahay saaxiibka la dagaallanka argagixisada iyo xasilloonida gobolka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News