Ciidamada DANAB iyo kuwa Jubbaland oo howlgalo ka dhan ah AS ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

|

KISMAAYO (KAAB TV) –Howlgallo qorsheysan oo la xoojiyay oo ay si wadajir ah u fulinayaan ciidamada Kumaandooska ah ee sida gaarka ah u tababaran ee DANAB iyo kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxa ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, si looga hortago weeraro qorsheysan oo uga yimaada dagaalyahannada ‘AS’.

Ciidamada isku dhafka ah ayaa isbaarooyin ka sameystay qaar ka mid ah waddooyinka ku dhow xerooyinkaas, iyadoo ay si weyn u baarayaan gaadiidka iyo rakaabka la socda ee u kala goosha gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada DANAB oo gacan ka helaya kuwa daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa fariisimo cusub ka sameystay Duleedka Buulo Xaaji, waxaana ay horay dhowr jeer uga difaaceen fariisimihii ay ku sugnaayeen dagaalyahanada AS sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada wadajirka ah ayaa howlgalo adag oo qorsheysan waxa ay kusoo qab-qabteen tiro dhalinyaro ah oo lagu tuhmayo in ay yihiin ‘AS’, waxaana baaritaano xoogan ay ku sameynayaan ciidamada amaanka dowlad goboleedka Jubbaland, kuwaasi oo hadda gacanta lagu hayo. wakaaladaha

Howlgallada culus ee Al-shabaab looga sifeynayo dalka oo ay ka socdaan gobollada dalka ayaa ah mid naadirka ah oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda federaalka, kuwa maamul goboleedyada iyo ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawisley, kaasoo gacan ka geystay in laga soo saaro guulihii ugu waaweynaa ee laga gaaray Al-Shabaab. -Dagaalyahannada Al-Shabaab oo dhowr goobood oo muhiim ah laga saaray kooxda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News