SO | EN

SO | EN

28 Xujay Pakistani ah oo geeriyootay kadib markii uu rogmaday bas.

|

Pakistan (KAAB TV) -Ugu yaraan 28 Xujey Pakistani ah oo u safrayay Ciraaq si ay u soo gutaan cibaadada Shiicada Muslimiinta ayaa ku dhintay bas ay saarnaayeen oo ku burburay bartamaha Iran, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda aroornimadii Arbacada.

“Bas ay saarnaayeen 51 xujey Pakistani ah ayaa ku rogmaday oo ku gubtay ka soo horjeedka koontaroolka Dehshir-Taft ee gobolka dhexe ee Yazd habeenimadii Talaadada,” Telefishinka dowladda ayaa sheegay.

“28 qof ayaa la dilay 23 kalena waa la dhaawacay iyadoo ay suurtogal tahay in tirada dhimashadu ay korodho,” ayay raacisay.

Madaxa maamulka xasaradaha ee gobolka Yazd Ali Malek-zadeh ayaa u sheegay warbaahinta in dadka dhaawacmay qaarkood ay xaaladoodu liidato.

“23 ka mid ah dadka dhaawaca ah, lix ka mid ah ayaa horay looga saaray isbitaalka, halka 7 kale ay xaaladoodu liidato,” ayuu yiri Malek-zadeh.

“Dadka dhintay waxay ka koobnaayeen 11 haween ah iyo 17 rag ah,” ayuu raaciyay.

Xujeyda Pakistan ayaa u sii gudbay dalka Iran si ay uga qeyb galaan xuska Arbaciin oo ka mid ah dhacdooyinka ugu waaweyn ee taariikhda Shiicada oo ku beegan maalintii 40-aad ee baroordiiqda Imaam Xuseen oo ah awow u ahaa Nabi Muxamed NNKH.

Sanadkii hore, ilaa 22 milyan oo xujey ah ayaa ka soo qeyb galay xuska oo ka dhacay magaalada Karbala ee dalka Ciraaq, halkaasoo ay ku aasan yihiin Xuseen iyo walaalkii Cabaas, sida lagu sheegay tirokoobyada rasmiga ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News