SO | EN

SO | EN

Ciidamada Nabad Suggida Somaliya Oo Ka Hortagay gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Ciidamada Nabad Suggida Somaliya ayaa ku guuleystay inay qabtaan oo ay burburiyaan laba gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku sugnaa agagaarka deegaanka Ceelasha-Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho, sida uu sheegay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Cadaala.

Wasiir ku xigeenka dalka Cadaala oo la hadlay Wakaaladda Wararka Qaranka ee SONNA ayaa xaqiijiyay in gaadiidkan la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka ku dhaqan caasimadda. “Tallaabada degdega ah ee ay qaadeen ciidamadeena ammaanku waxay ka hortageen dhacdo musiibo ah,” ayuu yidhi Cadaala, isagoo carrabka ku adkeeyay feejignaanta joogtada ah ee loo baahan yahay si loo ilaaliyo magaalada.

Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa howlgalkaan kaalin mug leh ka qaatay, waxaana la sheegay in lagu raadjoogo gaadiidka kusoo wajahan magaalada Muqdisho. Dabagal dheer oo ay sameeyeen ciidamada NISA ayaa ku guuleystay inay mid ka mid ah gaadiidkaasi ku qarxiyaan deegaanka Ceelasha Biyaha, iyagoo meesha ka saaray khatarta ka hor inta uusan gaarin bartilmaameedkii loogu talagalay.

Dawladdu waxay ku celisay sida ay uga go’an tahay xoojinta tallaabooyinka amniga iyo ilaalinta cadaadiska lagu hayo xagjiriinta si loo sugo amniga muwaadiniinteeda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News