MUQDISHO (KAAB TV) –Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa sheegay in labo ka mid ah xubnaha ururkaasi ay ka mid ahaayeen dadkii ku dhaawacmay habeenkii 2-dii Agoosto 2024 ka dib markii argagixisada Al-Shabaab ay weerar is qarxin iyo rasaas ah ku qaadeen dad ku sugnaa maqaayadda Beach View ee ku taal xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Weerarkan ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 37 qof, waxaana ku dhaawacmay tobaneeyo kale.
Qaasim Ibraahim Aadan oo ah wariye iyo soo saare ka tirsan SMS TV iyo Shire Cabdi Axmed oo ah sawir qaade iyo soo saare ka tirsan TV-ga Dawan, ayaa ku sugnaa Xeebta Liido markii uu weerarku dhacay, waxaana ku dhaawacmay mid ka mid ah oo dhaawaciisa uu halis yahay, balse hadda halis ayay ka baxeen.
Qaasim Ibraahim Aadan oo dhaawacyo kala duwan ay ka soo gaareen firir iyo xabbad ayaa ka sheekeeyay sida uu ula kulmay SJS wareysi uu la yeeshay: “Saacadu waxay ahayd 9:00 habeenimo xilliga maxalliga ah, aniga iyo saaxiibadayna waxaan isku diyaarinnay inaan ka dhoofno xeebta. Markiiba waxaan maqlay qarax dhego-gooyo ah, oo ay xigay rasaas jiho kasta ka dhacaysay. Dhulka ayaa nalagu tuuray”.
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxaa igu dhaawacmay firir badan iyo rasaas. Mid ka mid ah jeexan ayaa ku dhacay isha midig ee korkeeda, mid kalena waxa uu iga galay xusulka gacanta midig, iyo xabbad dhegta bidix ka kor daaqaysa. Sidoo kale waxaa farta iga jabtay lugta midig.”
Qaasim hadda waa uu soo raynayaa, waloow uu ka murugeysan yahay geeridii ku dhacday labo arday oo ay isku jaamacad ahaayeen oo habeenkaas la joogay.
“Nasiib ayaan ku leeyahay inaan badbaaday, laakiin aad ayaan uga murugooday saaxiibaday. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaskooda, waxaana rajeynayaa inay ku xoogaystaan xilligan adag,” ayuu yidhi.
Qaasim oo jimcahaas ka maqnaa shaqadiisa ayaa inta badan booqan jiray Xeebta Liido oo ahayd goob nasasho iyo goob ay ku kulmaan asxaabtiisa iyo asxaabtooda oo ay ku jiraan saxafiyiinta deegaanka oo inta badan goobta u taga si ay uga nastaan culeyska shaqada.

Shire Cabdi Axmed ayaa sidoo kale ku sugnaa Maqaayada Beach View oo ay saaxiibo kula kulmayeen markii qaraxa uu dhacayay, isagoo dhulka ku tuuray, isla markaana dhaawac culus uu soo gaaray.
“Waxa ugu dambeeyay ee aan xasuusto waxay ahayd inaan xeebta la taaganahay saaxiib. Isla markiiba, waxaan is arkay anigoo dhulka taagan oo istaagi kari waayay. Dadka ayaa meel walba ku ordayay; waxay ahayd fowdo, xabadna dhinac walba uga imanaysay,” ayuu Shire dib u xusuustay mar uu la hadlayay SJS.
” Dhiig ayaa iga socday oo ma awoodin inaan socdo. Waxaan moodayay inaan dhimanayo. Jeex ayaa madaxayga kaga dhacay, laba kalena waxa ay bowdadayda midig ka galeen bowdada bidix, taas oo keentay dhiig-bax aad u daran. Dhawr jeex oo kale ayaa ku dhacay labada anqawga,” ayuu yidhi.
Nasiib wanaag, saaxiibkii oo isna dhaawacmay ayaa Shire ku caawiyay hoy u dhow, ka hor inta uusan darawal tuk-tuk ah labadoodaba ula cararin isbitaalka.
Weerarkan ayaa hoosta ka xarriiqaya khatarta joogtada ah ee ay suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada kala kulmaan falalkan argagixisanimo. Shaqaalaha warbaahintu waxay sii wataan waajibaadkooda iyagoo khatar weyn ku haya Soomaaliya. 14-kii Maarso, Agaasimihii TV-ga SMS, Xasan Sheekh Axmed Cadde, ayaa ku dhaawacmay weerarkii Hotel SYL. Saxafiyiinta ka howlgala Soomaaliya ayaa inta badan aan laheyn wax ceymis ah oo ay helaan mushaar la’aan, taasi oo keenta culeys dhaqaale oo badan oo soo wajaha iyaga iyo qoysaskooda marka ay ku dhaawacmaan weerarradan.
Qaasim iyo Shire labaduba hadda waa ay soo kabsanayaan, inkastoo dhibkii weerarka uu weli iyaga ku jiro. SJS waxay fidisay taageeradeeda waxayna u rajaynaysaa soo kabasho buuxda oo degdeg ah.
“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkan argagixisanimada ah ee lagula kacay dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, oo ay ku jiraan saxafiyiintayada saaxiibada ah, kuwaas oo si fudud ugu raaxaysanayay xilli habeen ah. Fikradayada iyo ducadeena waxay la jirtaa qoysaska dadkii la dilay, anagoo u baryeyno kuwa dhaawacmay oo ay ku jiraan Qaasim iyo Shire caafimaad degdeg ah oo buuxa,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalle Muumin.
“Waxaa lama huraan ah in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay qaadaan tallaabo kasta oo lagu badbaadinayo shacabka, gaar ahaan kuwa naftooda halis geliya maalin walba si ay shacabka ugu wargeliyaan. Badbaadada saxafiyiinta waa in mudnaanta la siiyaa si loo xaqiijiyo inay sii wadan karaan shaqadooda muhiimka ah iyagoo ku dhex jira duruufo adag oo khatar ah,” ayuu raaciyay Mudane Muumin.

