MUQDISHO (KAAB TV) – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhallaanka ee UNICEF ayaa ka hadashay xukun dil ah oo todobaadkii hore lagu fuliyay afar dhallinyaro ah oo ka dhacay deegaannada Puntland, iyadoo sheegtay in dadkan ay ahaayeen kuwo aan qaan-gaar ahayn, xilli ay dambiyada lagu soo eedeeyay.
Dhalinyaradan ayaa ka mid ahaa toban xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu toogtay magaalada Gaalkacyo, kadib markii ay ku eedeysnaayeen dilal ay u geysteen dad rayid ah iyo mas’uuliyiin, iyadoo falkan uu noqonayo kii ugu ballaarnaa ee ka dhaca Puntland.
UNICEF waxa ay sheegtay in dhalinyaradaasi oo la sheegay in lala xiriirinayo kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab aysan ahayn in la horgeeyo Maxkamadaha Ciidamada, kuwaasi oo aan lahayn habkii ku haboonaa ee loo maareeyo kiisaska la xiriira dhalinyarada. Sida laga soo xigtay guddiga xaqiijinta da’da Puntland oo ay ku jiraan wakiilo ka socday dowlad goboleedyada, shaqsiyaadka ayaa da’doodu ka yar tahay 18 sano jir, xilliga ay dambiyada galeen.
“Daldalaadani waxay ka tarjumayaan jebinta sharciga Puntland ee carruurta iyo waajibaadka Soomaaliya sida uu dhigayo Axdiga Xuquuqda Carruurta,” ayaa UNICEF ku tiri hadal ay soo saartay. “Carruurta lala xiriiriyo kooxaha hubeysan waa in loola dhaqmaa sidii dhibanayaal u baahan ilaalin iyo baxnaanin.”
Xukunka dilka ah ayaa ku soo beegmaya iyadoo maamulka Puntland ay ka hortageen joogitaanka Al-Shabaab ee gobolka, kadib markii ay xabsiga ka baxsadeen saddex nin oo Al-Shabaab ka tirsanaa oo dil toogasho ah loogu xukumay. Inkastoo mid ka mid ah raggii baxsaday la qabtay, haddana labadii kale weli waa la baadi goobayaa.
Hay’adaha caalamiga ah ee xuquuqul insaanka ayaa in badan ku dhaliilay Puntland iyo Soomaaliya sida ay ula dhaqmaan dhalinyarada xagjirka ah, iyagoo ku booriyay in loo bedelo cadaalad dhaqan celin ah halkii lagu ciqaabi lahaa. UNICEF ayaa ku celisay baaqeeda ah in maamulada Soomaaliya ay la jaanqaadaan dhaqamadooda iyo heerarka caalamiga ah ee xuquuqda carruurta iyo in la hirgeliyo barnaamijyo wax ku ool ah oo dib-u-dhexgalka carruurta ah ee xiriirka la leh kooxaha hubeysan.
Sida lagu sheegay warbixin ay bishii May soo saartay Amnesty International, waxaa Soomaaliya ka dhacay 38 dil sannadkii hore marka loo eego 2022 oo keliya lix dil.

