Sayid Cali Macalin Daau’uud oo lagu helay in uu xaaskiisa gubay oo maanta markale maxkamadda kasoo muuqday

|

Muqdisho (KAAB TV) – Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta bilaabeysa dhageysiga  kiiska uu ku eedeysan yahay Sayid-cali Macalin Daa’uud,  oo horey maxkamadda gobolka Banaadir ugu heshay in uu dab  qabadsiiyay uuna dilay xaaskiisa oo xaamilo aheyd.

Sidoo kale, Sayid-cali Macalin Daa’uud ayaana racfaan ka qaatay xukunno dil ah ay horey ugu rideen maxkamadaha gobolka Banaadir iyo tan racfaanka, waxaana la filayaa in go’aanka ugu dambeeya ee kiiska Sayid-cali gaarto maxkamadda sare ee dalka.

Dhanka kale, Aabaha dhalay Luul Cabdicasiis oo aheyd xaaska Sayid-cali Macalin Daa’uud ayaa horey usoo dhaweeyay xukunnadii dilka ahaa ee lagu riday Sayid-cali Macalin Daa’uud, waxa uuna aabahan sheegay in kaliya ku qanacsan yahay in ninkan loo toogto.

Ugudambeyn, qoyska Sayid-cali Macallin Daa’uud ayaa dhankooda caddaalad darro ku tilmaamay xukunka dilka ah oo horey loogu riday wiilkooda, waxa ayna sheegeen in Sayid-cali uusan kas u dilin xaaskiisa ayna u geeriyootay dab uu qabadsiinayay qolkiisa jiifka.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News