MUQDISHO (KAAB TV) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa xukunkii ugu dambeeyay waxa ay ku riday labo eedeysane oo lagu kala magacaabo
Daadir Cali Cismaan iyo C/llaahi Cismaan oo walaalo ahaa, laguna eedeeyay dilka Guddoomiye Mareerey. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xuseen Xasan Mool-gale.
Maxkamada ayaa xukun dil ah ku riday Daadir Cali Cismaan kadib markii lagu helay in uu dilay marxuumka iyadoo maxkamada ay sii deysay C/llaahi Cali Cismaan oo la socday Xuseen markii uu dilka dhacayay balse baaritaano dhowr ah kadib maxkamada ayaa ku cadeysay in uusan ka qeyb qaadan dilka.
Eedeysanaha xukunka dilka ah lagu riday ayaa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ka hor qirtay in uu u dilay Guddoomiye Maareeye, maadaama uu horay u dilay walaalkiis, inkastoo heshiis nabadeed laga gaaray.
Xukunka ayaa dhaliyay su’aalo iyo walaac laga qabo hay’adaha amniga Soomaaliya, maadaama ku lug lahaanshaha sharci fulinta ee fal dambiyeedka sida dil ay wiiqeyso kalsoonida shacabka iyo kalsoonida ay ku qabaan nidaamka cadaaladda.
Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida ayaa loo gudbiyay racfaanka ka soo baxay maxkamada darajada koowaad hadii labada dhinac ay ku qanci waayaan xukunka kasoo baxay xafiiska xeer ilaalinta iyo qareenada difaacayay eedeysanayaasha.

