Muqdisho (KAAB TV) – Heshiiska dhanka difaaca ee Soomaaliya ay dhawaan la gashay Masar ayaa ah mid lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, mana ahan mid lagu daandaansiinayo Itoobiya, sida uu sheegay Safiirka Soomaaliya ee Masar Cali Cabdi Awaare. Danjire Awaare oo wareysi siiyay warbaahinta gudaha ayaa isku dayay inuu meesha ka saaro walaaca laga qabo saameynta heshiiska uu ku leeyahay xasiloonida gobolka, gaar ahaan dhanka Itoobiya.
Danjire Awaare ayaa ku nuux nuuxsaday in ujeedka koowaad ee heshiiska uu yahay “in kor loo qaado awoodda amniga Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Waxa uu tilmaamay muhiimadda ay Qaahira u leedahay taageerada muddada dheer ee Muqdisho, isagoo xusay in Masar ay si joogto ah u taageerto Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto sidii ay u sugi lahayd madax-bannaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed.
“Heshiiska difaaca Masar waa tallaabo istaraatiiji ah oo aan ku xoojineyno dagaalka aan kula jirno Al-Shabaab, ee ma ahan in aan colaadinno deriska,” ayuu yiri Awaare, isaga oo ka hadlayay wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in heshiiska uu xumeynayo xiriirka aan la leenahay Itoobiya. Safiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay qiimeyneyso xiriirka ay la leedahay dhammaan dalalka deriska la ah, ayna ka go’an tahay nabadda iyo iskaashiga gobolka.
Heshiiska difaaca oo ay dhawaan kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi, ayaa ku soo beegmaya xilli xiisado colaadeed ay ka taagan yihiin Geeska Afrika. Si kastaba ha ahaatee, danjire Awaare ayaa caddeeyay in iskaashiga kala dhexeeya Masar uu yahay mid diiradda lagu saarayo dadaallada ka dhanka ah argagixisada iyo xasilinta Soomaaliya, halkii ay gacan ka geysan lahaayeen khilaafaad kasta oo siyaasadeed.
Danjire Awaare ayaa sidoo kale sheegay in uu aad ugu mahadcelinayo Masar taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay, gaar ahaan sidii kor loogu qaadi lahaa amniga Soomaaliya. Waxa uu xusay in Masar ay tahay saaxiib la isku halayn karo oo Soomaaliya u soo halgamay dib u dhiska ka dib tobannaan sano oo colaad iyo xasillooni darro ah.
Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo gobolka uu ka jiro walaac ballaaran oo ku saabsan suurtagalnimada xiisadaha sii kordhaya, gaar ahaan marka la eego muranka soo jireenka ah ee webiga Niil ee u dhexeeya Masar iyo Itoobiya.

