Kala-guurka ATMIS waa inuusan u horseedin hubaal la’aan weyn, fowdo ka jirta Geeska Afrika:

|

Addis Ababa (KAAB TV) -Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Taye Atske Selassie ayaa hoosta ka xariiqay in ka guurista howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) uusan u horseedin hubanti la’aan iyo qalalaase ka dhaca Geeska Afrika.

“Aan caddayno in kala-guurka ATMIS uusan u horseedin hubanti la’aan weyn iyo qalalaase Geeska Afrika,” Wasiirka Arrimaha Dibadda Taye ayaa ku dhajiyay X.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in ay tahay in aan la wiiqin guulihii adkaa ee laga gaaray kooxaha argagixisada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee ugu khatarta badan.

War-saxaafadeedka Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ku sheegay in Itoobiya ay si feejigan ula socoto isbeddellada ka socda gobolka Geeska Afrika oo khatar gelin kara nabadgelyadeeda qarankeeda.

Itoobiya waxay ka walaacsan tahay in ka gudubka ATMIS-ka una guurto hawlgal cusub oo taageero nabadeed ay khatar ku tahay gobolka, ayaa lagu yiri bayaanka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News