XUDUR(KAAB TV) – Maamulka degmada xudur ee gobolka Bakool oo ay wehliyaan mas’uuliyiinta gobolka iyo qeybaha bulshada degmadaas ayaa dhigay banaan bax ay ku taageerayaan ciidamada itoobiya ee ku sugan gobolka Bakool.
Dadka Dibad-baxayaasha ah ayaa ciidamada itoobiya ku amaanay dadaalka dheeriga ah ee ay ku bixiyeen sidii ay gobolka ugu difaaci lahaayeen ururka AS.
waxaana ay u arkaan in ciidamada itoobiya horayan naftooda sidii ay u heli lahaayeen amni.
Dadkii ka qeyb galay qaarkoood ayaa walaac ka miiiyay in ciimada masar ay wiiqi karaan xasiloonida gobolka ayna ugu sii darikaraan dhibaatooyinka ay la kulmaan dadka deegaanka oo mudo dheer la kulmayay dhibaatooyin badan.
Ka qeyb galayaasha dibadbaxa ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin in ciidamada Itoobiya lagu badalo ciidamada Masar.
Dowladda Federaalka ayay ugu baaqeen in ay diiradda saarto xallinta arrimaha Ethiopia kala dhaxeeya halkii ay abuuri caqabad hor leh.
Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa in ciidamada Ethiopia aysan kasii mid ahaan howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya iyadoo u aragta Ethiopia inay xadgudub ku sameysay qaranimada Soomaaliya markii ay heshiis dhinaca badda ah la gashay Soomaliland.