MUQDISHO (KAAB TV) – Xildhibaannada Soomaaliyeed ayaa si adag uga soo horjeestay qorshaha Masar ay ku dooneyso inay ciidamadeeda ku soo daadgureyso deegaannada ku dhow xuduudka Itoobiya, iyaga oo ka digaya in tallaabadan ay sii hurin karto xiisadaha ayna horseedi karto dagaal cusub oo gobolka ka qarxa.
Xildhibaannadu waxay muujiyeen walaaca ay ka qabaan faragelinta ciidamada shisheeye, gaar ahaan kuwa Masar, ee arrimaha gudaha iyo xuduudaha Soomaaliya.
Waxay ka digeen in ciidamo Masar ah oo la keeno Soomaaliya ay dalka gelin karaan khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo Masar, gaar ahaan muranka la xiriira webiga Nile, taasoo Soomaaliya u jiidi karta dagaal dhanka wakiillada ah oo sii khal-khalin kara gobolka.
Xildhibaanadu waxay ugu baaqeen Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud inuu diido joogitaanka ciidan shisheeye oo keeni kara colaad iyo inay wiiqdo madaxbannaanida iyo xasilloonida Soomaaliya.
Mowqifkoodu wuxuu ka tarjumayaa walaac ballaaran oo ku saabsan in awoodaha shisheeye ay u adeegsadaan dhulka Soomaaliya dagaalladooda juqraafiyeed, taas oo saameyn xun ku yeelan karta dalka iyo dadkiisa.