SO | EN

SO | EN

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Xilkii Ka Qaaday Ergeyga Caafimaadka Oo Ka Hadlay Khilaafka Wabiga Niilka.

|

Muqdisho (KAAB TV) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Ergeyga Madaxweynaha ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqeynta C/rashiid Maxamed Nuur Jiilley. War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha, ayaan lagu sheegin sababaha gaarka ah ee xilka looga qaaday Jilley. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay lagama maarmaan u tahay in dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiinta dowladda ay si firfircoon uga qayb qaataan “ilaalinta madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee qaranka”.

Go’aanka xilka looga qaaday Jilley ayaa imaanaya maalin un kadib markii la sheegay in la arkayay isaga oo ka qeyb galaya banaanbaxyo ay xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ay ku taageerayaan dibadbaxyada lagu taageerayo Itoobiya ee ka socda gobollo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed. Doorka Ciidamada Itoobiya ee ka bixista ATMIS-ta ka dib ayaa ahaa mid muran badan dhaliyay, waxaana la sheegay in Madaxtooyada Soomaaliya ay aad uga xun tahay falka ay ku dhaqaaqeen Xildhibaanada taageersan banaanbaxyada.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in la diyaariyay mooshin ka dhan ah mudanayaasha arrintan ku lugta leh, iyadoo lagu eedeeyay inay ku kaceen falal liddi ku ah madax-banaanida Soomaaliya. Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka codsanaysa Baarlamaanka inay tallaabo cad ka qaadaan kuwii taageeray joogitaanka ciidamada Itoobiya, taasoo sii murjisay khilaafka siyaasadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadii ugu dambeysay ee uu shacabka u jeediyay wuxuu hoosta ka xariiqay xiisadda taariikhiga ah ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo dib u xusuusiyay gumeysigii hore ee Itoobiya ay ku qabsatay dhulka Soomaalida. Waxaa uu ka digay in Itoobiya ay hadda dooneyso in ay ku darto dhul Soomaaliyeed oo hor leh, wuxuuna carrabka ku dhuftay in maamulkiisu uusan ogolaan doonin in Itoobiya ay xoog ku gasho badda, taasoo ah arrin halis ku ah Qaranimada Soomaaliya.

Xil ka qaadistan ayaa sidoo kale daba socota hadallo muran dhaliyay oo lagu eedeeyay Jilley, iyadoo tixraacaysa muranka webiga Niil ee ka socda Itoobiya iyo Masar. Hadalka Jilley ee ku saabsan “in muranka Webiga Niil la keeno Soomaaliya” ayaa dhaliyay dhaleeceyn ballaaran, waxaana la rumeysan yahay inay gacan ka geysatay in xilka laga qaado.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News