Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Maanta Dhagax Dhigay Dib U Dayactir iyo Dhisme Lagu Sameynayo Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dib u dayactir iyo dhismo lagu dhisayo xarunta wasaaradda arrimaha gudaha ee Soomaaliya, taasoo burbursaneyd 33-kii sano ee u dambeeyay.

Tani waa tallaabo muhiim ah iyadoo kor u qaadi doonta awoodda shaqo si ay u suurtageliso in wasaaradda arrimaha gudaha oo burbursan dhowr sano ay si hufan oo hufan u gudato waajibaadkeeda shaqo.

Xarunta dhexe ee wasaaraddu waxay udub dhexaad u noqon doonta isku xirka hawlaha wasaarada ee caasimada si loo hubiyo habsami u socodka hawlaha wasaarada.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay inay ka go’an tahay horumarinta adeegyada wasaaradda iyo sidii loo xoojin lahaa
dadaalka lagu hubinayo adeegyada la bixiyo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News