SO | EN

SO | EN

Laascaanood, hal iskuul ayaa u halgamaya si wax loo baro carruurta dhagoolayaasha iyo indhoolayaasha

|

LAASCAANOOD (KAAB TV) – Magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool, koox macallimiin ah, oo ay hogaaminayso Seynab Maxamuud Geelle, ayaa ku dadaalaysa inay wax baraan carruurta dhagoolayaasha iyo indhoolayaasha ah ee ka soo jeeda qoysaska saboolka ah.

In kasta oo aysan haysan macallimiin ku filan oo tababaran ama waxbarashada luuqadda dhagoolayaasha, haddana Seynab iyo asxaabteeda waxay go’aansadeen inay maalin walba fasallo u dhigaan in ka badan 30 carruur ah oo dhigta iskuulkooda hoose.

Kaab TV ayaa toddobaadkan booqday dugsigan, halkaas oo Seynab ay nooga warantay halganka ay ugu jiraan sidii carruurta baahiyaha gaarka leh wax loo bari lahaa.

“Iskuulku ma haysto agabkii looga baahnaa si habboon loogu baro carruurta baahiyaha gaarka ah leh,” ayay tiri Seynab.

Iskuulku wuxuu dib u furmay bishii Abriil sanadkan, kadib ku dhawaad hal sano oo dagaalo qaraar ah ay ka socdeen magaalada Laascaanood.

Dagaalka u dhexeeyey ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo ee ku loollamayey gacan ku haynta magaalada ayaa sababay in ardayda iyo macallimiintu magaalada ka qaxaan.

Bishii Agoosto 2023, SSC-Khaatumo ayaa la wareegtay Laascaanood, waxaana la dhisay maamul cusub, iyadoo dadkii ka qaxay ay dib ugu soo laabteen. Tan iyo markaas, carruurta ka imanaysa tuulooyinka ku dhow ayaa maalin kasta soo galaysa, iyagoo rajaynaya inay iskuulka ka diiwaangashadaan.

“Maalin kasta waxaa noo yimaada carruur cusub. Waxay ka imaanayaan illaa tuulooyinka dhow dhow,” ayey tiri Seynab.

Burburka ku dhacay waxbarashada Soomaaliya, barakaca bulshada, iyo yaraanta macallimiinta tababaran ayaa xaalad aad u adag ku reebtay guud ahaan nidaamka waxbarashada, taas oo ay weheliso caqabado dhaqaale oo ka dhashay maalgelin la’aan dowladeed iyo saboolnimo baahsan oo dadweynaha haysata.

Tirakoobyadu laga sameeyay Soomaaliya ayaa muujinaya sawir murugo leh, iyadoo ku dhawaad 70% carruurta da’da waxbarashada gaartay aysan waxbarasho helin Soomaaliya.

Seynab iyo iskuulkan ku yaalla Laascaanood ayaa si shuruud la’aan ah ku qaabila carruurta baahiyaha gaarka qaba iyagoo aaminsan in waalidiintooda aysan awoodin inay waxbarasho lacag ah geeyaan.

Si kastaba ha ahaatee, yaraanta macallimiinta gaarka ah ee loo tababaray waxbarashada carruurta indhoolayaasha iyo dhagoolayaasha ayaa weli ah caqabad weyn. Iyadoo aysan jirin macallimiin maxalli ah oo xirfaddan leh, Seynab iyo saaxiibbadeed ayaa ku dadaalaya inay iskuulka sii wadaan, taas oo sababtay inay ka dib dhacaan jadwalkii sanad dugsiyeedka 2024.

Cabdifataax Xuseen waa macallinka keliya ee dhagoolayaasha iyo indhoolayaasha ee rag ah oo iskuulkan ka shaqeeya. Ka dib markii uu tababar ku soo qaatay magaalada Jigjiga ee dalka Itoobiya, Cabdifataax wuxuu dib ugu soo laabtay Laascaanood si uu u caawiyo iskuulka.

“Iskuulku waa lacag la’aan; wax lacag ah kama qaadno waalidiinta. Waxaan ku dhiirigelinaynaa dadka deegaanka inay carruurtooda keenaan,” ayuu yiri Cabdifataax.

Waxaa jirta caqabad kale, taasoo ah in waalidiinta qaar ay aaminsan yihiin fikradda khaldan ee ah in carruurta dhagoolayaasha iyo indhoolayaasha aysan wax baran karin.

Fikraddan qaldan ayaa khatar ku ah mustaqbalka malaayiin carruur ah oo ku nool Soomaaliya, taasoo ah xaqiiqada ay Seynab iyo Cabdifataax u dagaalamayaan inay beddelaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News