SO | EN

SO | EN

Madaxweyne Axmed Madoobe oo wasiiradiisa u sheegay in doorashada Jubbaland la qabanayo

|

KISMAAYO (KAAB TV) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa maanta guddoomiyay shirka golihiisa wasiirada kaasoo looga hadlay arrinta doorashada iyo kasoo bixitaanka shirkii madasha ee Muqdisho.

Sida ay KAAB TV u sheegeen ilo ka tirsan golaha wasiirada Jubbaland, wuxuu madaxweyne Axmed Madoobe u faahfaahiyay golihiisa wasiirada sababta uu uga soo tagay Muqdisho, isagoo ku tilmaamay doonitaanka Madaxweyne Xasan Sheekh “mid riyo maalmeed ku jira” isla markaana Jubbaland ay qabsanayso doorashadeeda.

Kulankii madasha oo socday tan iyo 2 Oktoobar ayaa ku soo dhammaaday natiijo la’aan. Waxaana shirka iskaga soo tagay Madaxweynaha Jubbaland.

Arrimaha ugu weyn ee dooda ay ka dhalatay ayaa la sheegayaa in Maamul Gobolleedyada ay ku doodeen inay doonayaan inay sameystaan guddiyo doorasho oo heer dowlad goboleed ah, taasoo Xasan Sheekh uu diiday.

Axmed Madoobe ayaa u sheegay golihiisa wasiirada inaysan suuragal ahayn waqti kordhin kale oo loo sameeyo maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka midna, xilli ay hadda maamulada ku jiraan muddo dhaaf doorasho.

Axmed Madoobe oo guddoomiyay shirka wasiirada Jubbaland ee maanta ka dhacay Kismaayo.
Axmed Madoobe oo guddoomiyay shirka wasiirada Jubbaland ee maanta ka dhacay Kismaayo.

JUBBALAND OO QABANAYSA DOORASHO

Jubbaland ayaa noqoneysa maamulka koowaad ee qabta doorasho gooni u ah, taasoo aysan maamuleynin dowladda federaalka.

Intii uu socday shirka madasha ee ka dhacay Xamar, Xasan Sheekh ayaa rabay inuu madaxda maamullsda ku cadaadiyo inay aqbalaan hal guddi doorasho oo uu isagu soo magacawdo.

Waxaana hadda laga dareemayaa magaalada Kismaayo dhaqdhaqaaqyo ku saabsan arrinta doorashada.

Ilo wareedyada golaha wasiirada Jubbaland ayaa xaqiijinaya in madaxweyne Madoobe uu markale yahay musharrax u taagan xilka madaxweynaha Jubbaland.

Haddii ay Jubbaland qabato doorasheeda gaarka ah waxaa la saadaalinayaa inay ku xigi doonaan maamullada kale sida Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News