Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Itoobiya oo jawaab ka bixisay eedeyntii Mareykanka

|

 Addis Ababa (Kaab TV)– Itoobiya ayaa Talaadadii diiday hadal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka oo ahaa in ciidamadeeda oo ay wehliyaan dhammaan dhinacyadii ka qeybgalay colaaddii dhawaan lasoo afjray ee waqooyiga gobolka Tigray ay galeen dambiyo dagaal, waxayna ku tilmaantay eedeyntan “mid kicin colaadeed’ ah.

Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka Antony Blinken ayaa Isniintii sheegay in xubno ka tirsan ciidamada difaaca qaranka Itoobiya (ENDF), xulafadooda ciidamada Eritrea iyo ciidamada gobolka Axmaarada, iyo xoogaga kasoo horjeeda ee daacada u ah Jabhadda Xoraynta Tigrayga (TPLF) ay galeen dambiyo dagaal intii lagu guda dagaalkii socday labada sano ee u dhexeeyay dowladda Itoobiya iyo TPLF.

“Eedayntan oo kale waa mid aan loo baahnayn, waxayna hoos u dhigaysaa taageerada Maraykanka ee geeddi-socod nabadeed ee loo dhan yahay oo ka dhaca Itoobiya,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Ku xadgudubka xuquuqda aadanaha ee dhammaan dhinacyada, oo ay ku jiraan dil ka baxsan sharciga, kufsi, bililiqo iyo barakicin dadka si xoog ah, waxaa diiwaan-geliyay hay’adaha Qaramada Midoobay, guddiga xuquuqul insaanka ee ay dowladda Itoobiya magacawday, kooxaha gargaarka madaxa -bannaan iyo warbaahinta oo ay ku jirto Reuters.

Dagaalkan oo salka ku hayay loolan dhanka awoodda ah oo u dhexeeya madaxda Tigrayga iyo dowladda federaalka, ayaa waxaa ku dhintay tobannaan kun oo qof, iyadoo boqolaal kun ay soo food saartay gaajo, malaayiin kalena ay barakiciyeen.

Ku dhawaaqida Blinken ayaa timid wax ka yar hal toddobaad kadib markii uu u safray dalka Itoobiya si uu ula kulmo madaxda dawladda iyo wakiil ka socda kooxda TPLF. Wuxuu ammaanay horumarka laga gaaray hirgelinta xabbad-joojintii bishii November.

Dhammaan dhinacyada ayaa dafiray mas’uuliyadda xadgudubyada lagu soo eedeyay.

VOA + Reuters.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News