Addis Ababa (KAAB TV) – Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibada iyo iskaashiga Caalamiga ugu magacaaban maamulka Somaliland Dr Ciise Kayd, ayaa dhagax dhigay dhisme cusub oo safaaradda maamulka Somaliland ku yeelan doonto magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.
Sidoo kale, dhulka laga dhisayo safaaradda maamulka Somaliland ku yeelaneyso magaalada Addis Ababa, ayaa la sheegay in ay ugu deeqday dowladda Itoobiya, waxaana halkaasi laga dhisi doonaa xarun maamulka Somaliland ka dhiganayaan safaarad iyaga u gaar ah.
Dhanka kale, Wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud, ayaa uga mahadceliyay dawladda Itoobiya dhulka safaarada ay siisiisay, waxa uuna sheegay wasiirka in safaaradaasi si dhakhso ah looga dhisi doono magaalada Addis Ababa, si loogu adeego bulshada Somaliland.
Wasiir Ciise Keyd, ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay tahay saaxiib weyn ee leeyihiin dadka reer Somaliland, waxa uuna xusay in lasii xoojin doono xiriirka wannaagsan ee xilligan ka dhaxeeya maamulka Somaliland iyo dowladda Itoobiya.
Ugudambeyn, Somaliland, ayaa hadda ku leh magaalada Addis Ababa wakiil sida safiir u shaqeeya, waxa ayna degan yihiin dhismo kiro ah oo lacagteeda bixiso Somaliland, waxa ayna dhismaha dhulka safaarad ahaan loo siiyay Somaliland imaaneysa xilli Itoobiya iyo Somaliland ay galeen heshiisyo qaarkood aysan wali fulin.