SO | EN

SO | EN

Maamulka Isra’iil oo sargaal sare looga dilay duqeyn ay xamaas ka fulisay Gaza

|

Gaza (KAAB TV) – Dagaalyahanada Xamaas ee Qasa waxay ku guuleysteen in Isra’il ka dilaan Jeneraalo & askartii ugu badnayd.

Sidoo kale, saraakiisha la dilay waxaa ku jira Jen Ihsan Daqsa Taliyihii guutada 401aad ee ciidanka Israel oo 2006dii Billada ugu sareysa ee ciidamada Israaiil la gudoonsiiyey,

Taangiyadii ugu casrisanaa ee ciidanka Israaiil ayaa qaarkood la gubay ka dib dagaal culus oo ka dhacay xaafada Jabalia ee woqooyiga marinka Gaza.

Dhanka kale, Xamaas ayaa u adeegsatay weeraradan bambada Mk82 ee Israa’iil ay ku riday Qaza, taasoo aan qarxin, balse dib loo farsameeyay.

Shabakadda KANN news ee ku hadasha afka Maamulka Israa’iil, ayaa sheegtay in la dhammeystiray diyaarinta nidaamka difaaca Mareykanka uu geeyay Israa’iil ee THAAD, waxaana la sheegay inuu u diyaarsan yahay inuu howlgallo si uu uga qeyb qaato difaaca weeraro aargoosi ah oo ka iman kara Iran.

Israa’iil ayaa isku diyaarinaysa weerarro waaweyn ee ay ka geysato gudaha Iran, sida ay Al-Jazeera ka soo xigatay Warbaahinta Israa’iil.

Tani waxay ku soo aadaysa, xilli la filayay in xalay uu kulamo la qaato Netanyahu,  xubnaha amniga ee golahiisa wasiirradda inay cod ugu qaadaan waqtiga uu dhacayo weerarka Israa’iil ee ka dhanka ah Iran.

Mid ka mid ah fadeexooyinka ugu weyn ee ay Israa’iil wajahday ayaa ah nidaamyadii difaaca ee ka hor dagaalka Qaza lagu sheegay mid ka mid ah ugu awoodd badan, balse ma awoodin  inuu qabto diyaaradaha iyo gantaallada lagu weerarro gudaha Israa’iil.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News