Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo howlgallo ka dhan ah Al-shabaab waxa ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.

|

Gedo (KAAB TV) -Ciidamada dowladda Federaalka ayaa howlgalo xooggan oo ka dhan ah AS ka wada deegaanno ka tirsan Baay oo ka tirsan Koonfur Galbeed iyo Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana howlgalladan qorsheysan si gaar ah u fuliyay guutada 8-aad ee qeybta 60-aad.

Ciidamada ayaa intii ay howlgalka ku guda jireen waxa ay ku baxeen deegaano ka tirsan Gobolada Baay iyo Gedo, Taliyaha Ururka 47-aad ee qeybta 8-aad ee qeybta 60-aad ayaa sheegay in ujeedadii laga lahaa howlgaladaasi lagu guuleystay.

Taliyaha ururka 47-aad ee qeybta 8-aad ee qeybta 60-aad ee dhulka G/sare Axmed Maxamed Nuur oo ku magac dheer Axmed Dhagey ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalladan ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta labada gobol ay sii socon doonaan. dawladaha waxayna xoogga saari doonaan sidii si buuxda loo xorayn lahaa deegaanada haray.

Muddooyinkii dambe waxaa deegaano ka tirsan dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ka socday howlgalo adag oo ka dhan ah AS, saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa daraawiishta ayaa balan qaaday inay sii wadi doonaan howlgalladaasi oo muujinaya guulo horudhac ah tan iyo markii ay bilowdeen howlgallada wadajirka ah.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dagaallada ay dowladdu kula jirto Al-shabaab oo ka socda inta badan gobollada dalka kuwaasoo la doonayo in dalka looga xoreeyo dagaalyahannada AS.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News