SO | EN

SO | EN

Dowladda Soomaaliya oo bilowday qorshey ay safaaradda Itoobiya uga rareyso madaxtooyada Soomaaliya

|

Muqdisho (KAAB TV) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in xeyndaabka madaxtooyada Soomaaliya uga rarto safaarada ay halkaasi ku leedahay dowladad Itoobiya, xilli uu hadda neel xun marayo khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in aysan sax aheyn in safaaradda dowladda Itoobiya ku taallo xeyndaabka Madaxtooyada, waxa uuna xusay in dowladda si deg deg ah halkaasi uga rari doonto safaaradaasi.

Waxa uu sheegay wasiirka in arrin laga habboon yahay ay tahay in safaarada Itoobiya ay xilligan ku dhax taalo xeyndaabka Madaxtooyada, waxa uuna xusay in ay ka shaqeyn doonaan in safaaradaasi dhisato dhulkeedii una guurto.

“Safaaradda Itoobiya madagana dhulkeedii inay ku dhextaal xeyn daabka Madaxtooyada Qaranka waa arrin laga haboon yahay, waxaan ka shaqeyn doonaa sidii ay dhulkeedii hore u dhisan laheyd kaas oo hadda u banaan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa sheegay in safaaradda Itoobiya dagtay xeyndaabka madaxtooyada Soomaaliya xilligii dowladii Cabdullaahi, waxa uuna tilmaamay in ay nasiibdarro tahay in xilligan safaarada kusii taallo halka looga taliyo dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegay in ay ku qasbi doonaan dowladda Itpobiya in safaaradeeda ka rarto aagga Maaxtooyada ama iyagana dhankooda ka codsan doonaan in dhul laga siiyo madaxtooyada Itoobiya si safaaradooda u degto.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News