Muqdisho (KAAB TV) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada XFS Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare ayaa iska casilay xilka.
Sidoo kale, Axmed Cismaan Daqare ayaa ku eedeeyey Xukuumada Xamse Barre ay ka leexatay wadadii saxda aheyd, isla markaana ay baal martay dastuurkii lagu soo doortay.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa maalin gudeheed lumisay masuulkii labaad oo xilka baneynaya.
Dhanka kale, wasiiru Dowlihii wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgaahiga C/rashiid Jire Qalinle, ayaa iska casilay xilkiisa, waxaana istiqaalada is casilaadiisa u gudbiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Wasiiradan is casilay ayaa dhammaantood ka soo jeeda degaanada maamulk Jubbaland, iyadoo arintan la aaminsan yahay inuu ka dambeeyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo khilaaf xoogan uu kala dhexeeya madaxda DF.