SO | EN

SO | EN

Tiradii ugu badneyd Xildhibaannada labada gole ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland oo maanta gaaray Kismaayo

|

Kismaayo (KAAB TV) – Tiradii ugu badneyd oo ka mida Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa Aqal ee deegaan doorashadooda tahay tahay Jubbaland ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Sidoo kale, Xubnahan maanta gaaray waxaa garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xassan ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah Wasiirada Jubbaland, xubno ka socday Gollaha Wakiilada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dhanka kale, maalinka bari ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu si rasmi ah uga furmo shirka wadatashiga ah ee uu madaxweynaha Jubbaland ku casuumay Xildhibaanada labada Aqal ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Shirkan ayaa looga arinsan doonaa xaaladaha siyaasadeed ee dalka iyo sidii wadajir loogu ilaalin lahaa ku dhaqanka Dastuurka KMG ah ee dalka.

Sikastaba, arrintan ayaa imaaneysa kaddib markii uu khilaaf xooggan uu soo kala dhexgalay DF iyo maamulka Jubbaland, khilaafkaas ayaana ka dhashay arrimaha doorashooyinka, taas oo DF ay rabto in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, taas ayaana sababtay in Axmed Madoobe uu isaga boxo shirkii golaha wadatashiga Qaranka kaddib, markii uu ku dooday in dalka xiligan ay ka dhici karin doorasho qof cod ah iyadoo ay maqanyihiin maamulada Puntland iyo SSC-Khaatumo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News