LAASCAANOOD (Kaab TV) – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa maanta Magaalada Lascaanood ka daah-furay tababar uu u qabtay 12 gabdhood oo ka kala yimid Garoowe, Buhoodle iyo Lascaanood.
Tababarkan ayaa diirrada saaraya awood-siinta iyo kor u qaadidda xirfadaha wax tebineed iyo kuwa sheeko samayn ee gabdhaha suxufiyiinta ah.
Waxaa tababarka furay agaasimaha guud ee wasaradda warfaafinta SSC-Khatumo Cabdiraxmaan Yuusuf iyo guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta SSC-Khatumo Mukhtar Cabdi Jaamac iyo Anfac Aden Cabdi xoghaya Gender-ka ururka SJS.
Anfac Aden Cabdi oo katirsan mas’uuliyiinta SJS ayaa sheegtay in muhiimadda tababarkani uu yahay sidii loo heli lahaa gabdho awood u leh sheeko saamayn iyo in saxaafaddu la timaado isbeddel bulsho iyo mid hoggaamineed oo dhanka haweenka ah.
Cabdikarim Olal oo kamid suxufiyiinta rug-caddaaga ah ee magaalada Lascanood oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in gabdhaha suxufiyiinta helan door baahineed iyo mid xirfadeed maaddaama buu yiri ka waramidada arrimaha bulshada ay tahay door muhiim ah.
Agaasimaha guud ee wasaradda warfaafinta iyo guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta ayaa sheegay in tababarkani yahay kii ugu horreeyay ee SJS ku qabato Lascaanood, Waxayna sheegeen in ururka SJS ay ugu mahadcelinayan tababarkan iyo dadaallada warbaahinta ee ay wadan.
Tababarkan ayaa socon doonno mudd laba cisho ah, wuxuunna qayb ka yahay tababaro horay loogu qabtay koonfuurta Soomaaliya.










