SO | EN

SO | EN

Ciidamada DF howlgal kusoo furtay shacab ‘u afduubnaa’ Al-shabaab

|

Beledweyne (Kaab TV)– Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay howlgal culus ka sameeyay agagaarka degmada Buuloburde oo ka tirsan gobolkaasi, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Buuloburte, Xasan Maxamed Cabdi oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyay howlgalkaasi, wuxuuna sheegay inay ku beegsadeen goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, isla-markaana ay ku dhibaateynaayeen dadka shacabka ah.

“Kooxaha Khawaarijta waxay isbaaro u dhigteen dadka usoo ganacsi tega degmada Buuloburde, iyaga oo waxa ay haystaan ka qaatan” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday inay soo bad-baadiyay dad shacab ah oo ‘u afduubnaa’ kooxda, sidoo kalena ay soo daayeen gaadiid ku xayirnaa halkaasi.

“Waxaan maqalnay in kooxaha Khawaarijta ay dad shacab ah iyo gawaari ay ku haysteen halkaasi waana ku baxnay, runtii dadkiina waa kasoo bad-baadinay,” ayuu sii raaciyay.

Xasan Maxamed ayaa intaasi ku daray “Dad tobaneeyo ka badan ayay ahaayeen waxay saarnaayeen mootadan saddex lugaaleyda la yiraahdo iyo gawaaridaan raashinka wada”.

Dhanka kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay si dirqi ah uga baxsadeen xubnaha Al-Shabaab ee ku sugnaa goobta ay weerareen ciidamada dowladda ee lagu hayey dadkaasi.

Hiiraan ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay howlgallo ay Al-Shabaab ku beegsadeen dadka shacabka ah ee la socda gaadiidka ku safra waddooyinka gobolkaasi.

Si kastaba, gobolkan oo dhaca bartamaha dalka, isla-markaana hoostaga HirShabelle ayaa xudun u noqday kacdoonka shacab ee ka curtay dalka ee looga soo horjeedo Al-Shabaab.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News