Badhaadhe (KAAB TV) – Guddoomiyihii degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose, Maxamed Ibraahim Fanax ayaa kamid noqday mas’uuliyiinta ka baxay garabka Axmed Madoobe, wuxuuna si toos ah ula saftay dowladda federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, guddoomiye Fanax oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka warbixiyay xaaladda degmadaas iyo deegaannada u dhow oo ay dowladda federaalka gaysay ciidamo tiro badan, isagoona sheegay in iyagu ay dalbadeen ciidamadaasi, si ay u sugaan ammniga, ugana hortegaan weerarada kooxda Al-shabaab.
Dhanka kale, ujeedka ayuu ku tilmaamay inuu yahay in ay buuxaan boosaska ay baneeyeen ciidamada howlgalka ATMIS oo faarujiyay saldhigyadii ay ku lahaayeen deegaannada degmada Badhaadhe.
“Aniga ayaa ka codsaday DFS in meelihii ay ka baxeen ATMIS in ay buuxiyaan ciidamada Xoogga dalka, wayna nooga jawaabeen,” ayuu yiri guddoomiye Fanax, runtii waan ka xumahay ciidan markii hore loo waayay meelihii loogu talagalay in uu buuxiyo, hadane markii la helay wax buuxiyo in lasoo duulo”.
“Ciidamada dowladda federaalka waxa ay joogaan gobolka Gedo, gobolka Jubbada Hoose, sida Kismaayo, Afmadow iyo Dhoobley, Badhaadhane waxay kamid tahay Soomaaliya”
Fanax waxaa ka horreeyay guddoomiyaha gobolka Gedo, Cabdullaahi Shimbir oo isna toos ula saftay dhinaca dowladda, wuxuuna shalay isaga oo wata ciidamo ka tirsan kuwa dowladda uu ka dagay degmada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi.
Ugudambeyntii, Jubbaland oo arrintan ka xumaatay ayaa xilalkii ka qaaday labada guddoomiye si ay uga jawaabto tallaabada dowladda federaalka oo kal fur furis kuwado maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ee Jubbaland.