MUQDISHO (Kaab TV) – Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Xildhibaan Mustaf Cali Dhuxulow, oo toddobaadkii hore xilkaasi loo magacaabay ayaa maanta xilka la wareegay.
Mustaf Dhuxulow ayaa bedelaya agaasimihii hore Axmed Siciid Axmed oo toddibaadkii hore ay xil ka qaadis ku sameeyeen golaha wasiirada.
Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa ka qeybgalay Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre, Wasiirka Amniga Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo mas’uuliyiin kale.
Agaasimaha cusub, Dhuxulow ayaa ballanqaaday inuu dardar gelin doono shaqada hay’adda socdaalka, isagoo sheegay inuu soo kordhin doono isla xisaabtan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda looga fadhiyo sidii Baasaboorka Soomaaliga uu u noqon lahaa mid la tartama baasaboorrada kale ee casriga ah ee dunida.
“Agaasimaha cusub ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaa horyaalla shaqooyin badan oo ay kamid tahay hufnaanta Hey’adda, maadaama ay tahay mid kamid ah hey’adaha ugu sarreeya ee bixiya adeegga bulshada, waana halka ay cid walba ka eegayso adeegga ay dowladdu u hayso shacabka Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey munaasabad uu xilka kula wareegayey Agaasimaha cusub ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Mustaf Sheekh Cali (Dhuxuloow).
Agaasimihii hore Axmed Siciid ayaa hore loogu jeediyay eedeymo musuqmaasuq, tahriibinta dadka iyo in ay jiraan baasabooro la siiyay dad sharci darro ah, taasoo keentay in visaha loo diido dadka wata baasaboorka Soomaaliga waddamo badan, sida Turkey, Talyaaniga iyo Mareykanka.