GAROWE (Kaab TV) – Shir looga tashanayo qodobada muhiimka ah ee Xeerka Sharci Lambar 7 ayaa ka socda magaalada Garowe, caasimadda Puntland.
Shirka waxaa ka qaybgalaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, guddoomiyaasha degmooyinka golayaasha deegaanka ee dhowaan lagu soo doortay cod dadweyne, iyo mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland. Sidoo kale, waxaa shirka ka qaybgalaya xubno ka socda ururrada bulshada rayidka ee Puntland.
Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka Puntland, Cabdirisaaq Jaamac Taraag, ayaa sheegay in doodda wax ka beddelka xeerka golayaasha deegaanka ay waafaqsan tahay talooyinkii kasoo baxay Baarlamaanka Puntland kalfadhigii 54-aad, iyo kulamadii Baarlamaanku la yeeshay Wasaaradda Arrimaha Gudaha kalfadhigii 55-aad.
Kulamadaas ayaa lagu go’aamiyay in dib-u-habeyn lagu sameeyo arrimaha maamulka daadejinta ee Puntland.
“Weli lama diyaarin xeerarkii muhiimka u ahaa maamulka daadejinta Puntland. Hase yeeshee, waxaan rajaynayaa in kulankan ay kasoo baxdo sidii loo dhammeystiri lahaa siyaasadaha maamulka daadejinta heerarkeeda kala duwan,” ayuu yiri Mudane Cabdirisaaq Jaamac Taraag.
Iswaafajinta Xeerka Lambar 7 iyo maamul baahinta
Puntland oo sannadkan bartamihiisa hirgelisay doorasho qof iyo cod ah oo ka qabsoontay dhammaan degmooyinka Puntland, ayaa yeelatay golayaal deegaan oo ku soo baxay doorashadaas.
Hadda, doodda socota ayaa salka ku haysa tirada xubnaha golayaasha deegaanka oo badan, taas oo culays dhaqaale ku noqotay dowladda.
Waxaa sidoo kale laga hadlayaa sidii loo waafajin lahaa Xeerka Sharci Lambar 7 oo ay dejisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo golayaasha cusub ee doorashada ku yimid.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid (Juxa), ayaa sheegay in wax ka beddelka xeerka uu yahay mid muhiim ah, laguna talo jiro in la awoodsiiyo dadweynaha, iyadoo la dhowrayo inaan awoodda oo dhan loo dhiibin guddoomiyaasha golayaasha deegaanka.
“Qodobka 29-aad ma ahan dood Puntland ka tarjumaysa, waayo waxaad tihiin gole deegaan oo la doortay, waana inaad dimuqraadiyadda u doodaan. Gole deegaan oo lagu soo doortay wuxuu xaq u leeyahay inuu doorto duqa degmada,” ayuu yiri Wasiir Cabdi Faarax Juxa.
Xubnaha golayaasha deegaanka ayaa soo jeediyay in la joojiyo magacaabista xoghayaha dowladda hoose oo hadda ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha soo magacawdo.
Waxaa sidoo kale laga doodaya in la dhimo tirada xubnaha golayaasha deegaanka si loo yareeyo kharashaadka ku baxa mushaharka iyo maaliyadda kale.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa dhinaciisa ku adkeystay in howlaha muhiimka ah ee dowladda dhexe, sida amniga, maamulka guud, iyo canshuuraha, ay tahay in ay sii socdaan. Wuxuu sidoo kale su’aal ka keenay doodda ku saabsan xaddiga canshuurta ee degmo kasta ay xaqa u leedahay inay si madax-bannaan u maamusho.