SO | EN

Turkiga oo ka digay oo in faragelin shisheeye lagu sameeyo maamulka cusub ee Suuriya

|

Suuriya (KAAB TV) – Maamulka cusub ee la wareegay talada dalka Suuriya, ayaa durba qaadaya tallaabooyin muhiim ah ay ku doonayaan wanaajinta xiriirka kala dhaxeeya dowladaha dariska la ah iyo kuwa caalamka, si meesha looga saaro fikradaha dowladaha qaar ka qabaan.

Sidoo kale, dalal dhowr ah ayaa la sheegay in ay wadaan faragelin gudaha ah oo ay ku sameenayaan nidaamka cusub ee dalka Suuriya oo ah ururo iyo maleeshiyaad is baheestay, waxaana jira cabsi laga qabo in kooxaha qaar loo soo dhax maro fullinta arrimo shisheeye.

Dhanka kale, Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga , Hakan Fidan oo booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Dimishiq ayaa sheegay inay jiraan dalal isku dayaya inay faragelin ku sameeyaan arrimaha gudaha Suuriya, iyagoo taageeraya dhinacyo kale.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay Wasiirka in dowladda Turkiga aysan sugi doonin nooc kasta oo faragelin oo lagu sameeyo dowladda cusub ee Suuriya, faragelintaasi oo wax u dhimeysa geeddi-socodka dawladda cusub ee xukunka ka tuurtay Bashaar Al-assad.

Wasiirka Arrmaha Dubadda Turkiga, ayaa sheegay in ay ku taageerayaan dowladda cusub ee Suuriya sidii ay xukunkeeda ugu wada fidin laheyd guud ahaan dalka Suuriya,  isaga oo digniin u diray dowladaha shisheeye ee faragalinta wada iyo maamulka Israa’iil oo iyana howlgallo kawada gudaha Suuriya.

“Waxaan taageeri doonaa dawladda cusub ee Suuriya si ay awoodeeda ugu fidiso dhammaan dhulka Suuriya. Ma jirto meel ay ku sugan yihiin ururada argagixisada ah dhulka Suuriya,khayraadka saliidda ee ay maamulaan ururradani waa in ay ku soo noqdaan dawladda cusub ee Suuriya, waxaan u digeynaa kuwa doonaya faragelinta, Israa’iil iyana waa inay ixtiraamtaa madaxbannaanida dhuleed ee Suuriya oo ay joojiso hawlgallada ay ka waddo dhulka Suuriya.Waxaan ku garab-taaganahay reer Suuriya si aan u dhisno dawladooda cusub, kamana tagi doono.” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga.

Sikastaba, dowladda Turkiga , ayaa si weyn u taageereysay maamulka cudub ee xukunka ka tuuray Madaxweynihii Suuriya Bashaar Al-assad lana wareegay talada dalkaasi, waxa ayna Turkiga hadda garab istaag buuxa u muujisay maamulka Suuriya la wareegay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News