SO | EN

SO | EN

Guddoomiye Maxamed Baarri: Amarkii dagaalka ciidanka Puntland waa qabaan

|

ISKU SHUBAN (Kaab TV) – Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Maxamed Baarri Shire ayaa ku dhawaaqay in ciidamada Puntland la siiyay amarka gala dagaalka ee hawlgalka ka dhanka ah Daacish iyo Shabaabka buuraha Puntland.

Munaasabad lagu daahfurayay hawlgalka Hillaac ee la dagaallanka kooxaha argagixisada ayaa ka dhacday deegaanka Isku-shuban oo ku yaalla xeebaha bari ee Puntland, halkaas oo la sheegay inay saldhig ka dhigtay kooxda Daacish.

Ujeeddada Hawlgalka Hillaac waa in laga sifeeyo kooxaha argagixisada dhulka buuraleyda ah ee Puntland, kuwaas oo muddooyinkii dambe si isa soo taraysa uga hawlgalaayay gobolka.

Warbixino dhowaan la helay ayaa muujinaya in dagaalyahannada Daacish, oo badankood ajaanib ah, ay kusoo qulqulayaan buuraleyda Puntland.

Waxaa sidoo kale la sheegay inay heshiisyo la galeen kooxaha argagixisada kale sida Al-Shabaab iyo Maleeshiyada Xuutiyiinta ee Yemen.

Sida ay tilmaameen ilo-wareedyo sirdoon, shabakadda Daacish ee Afrika oo hadda ah kooxda ugu weyn ee Daacish caalamka, ayaa Soomaaliya ka dhigatay xarunta ugu weyn ee dhaqaalaha soo gala.

Arrintan ayaa soo jiidatay Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta, kuwaas oo la sheegay inay hub u iibinayaan kooxda Daacish. Iran ayaa sidoo kale loo aqoonsaday inay tahay sahayda ugu weyn ee hubka kooxahan.

Hawlgalkan cusub wuxuu bartilmaameedsanayaa meelaha ay ku dhuumaalaystaan Daacish iyo Al-Shabaab ee buuraleyda ku teedsan xeebta Badda Cas, oo ah marin muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News