Addis Ababa (KAAB TV) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya gaaray shalay gelinkii dambe halkaas oo si diiran loogu dhaweeyay, isagoona xalay kulan gaar ah laqaatay Ra’iisul Wasaaraha dalkaaasi Abiy Axmed.
Sidoo kale, Labadan hoggaamiye ayaa kawada hadlay danaha labada dal iyo guud ahaan sidii la isaga kaashan lahaa xaaladaha gobalka iyo xoojinta xiriirka labada shacab iyo labada dal.
Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa isla gartay in lasoo celiyo, korna loo qaado xiriirka u dhexeeya labada dal iyadoo loo marayo dib u hawlgalinta matalaadda dublamaasiyadeed ee labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa isla gartay in la adkeeyo xasilloonida gobalka taas oo ay muhiim u tahay in labada dal ay yeeshaan wadashaqayn dhow oo ku dhisan kalsooni iyo is qadarin.
Wadahadallada waxaa kale oo looga hadlay, in la sii wado iskaashiga dhanka amniga ah ee ka dhaxeeya labada dowladood.
Labadan hoggaamiye, ayaa isla gartay muhiimada ay leedahay iskaashiga dhanka dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, iyaga oo isku raacay in la ballaariyo kaabayaasha fududaynaya arrimaha ganacsiga iyo guud ahaan baraaraha dhaqaalaha labada dal.
Ugudambeyntii, labadan mas’uul ayaa isla qaatay hirgalinta Heshiiskii Ankara iyada oo loo marayo jawi saaxiibtinimo iyo niyad-wanaag, waxaana la isla qaatay dardar-gelinta guddiyada farsamo ee hiragalinta heshiiskaas.