Beledweyne (KAAB TV) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Beledweyne ee caasimadda gobolka Hiiraan, ayaa maanta ku guuleestay in ay furaan waddooyin muhiim ah oo kuyaalla magaaladaasi, kuwaa oo muddooyinkii lasoo dhaafay u xirnaa shaqaaqooyin horey uga dhacay magaaladaasi.
Sidoo kale, Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee CXD Col. Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay), ayaa hoggaaminayay ciidamada milatariga ee howlgalka waddo furista iyo sugidda amniga maanta ka bilowday magaalada Beledweyne.
Dhanka kale, masuuliyiinta dowladda ee ku sugan magaalada Beldeweyne iyo odayaasha dhaqanka magaaladaasi, ayaana ka shaqeeyay sidii loo furi lahaa waddooyinka magaalada dhexmari jiray kuwaas oo u xirmay shaqaaqooyin horey uga dhacay magaaladaasi.
Shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne, ayaa soo dhaweeyay si weyna uga farxay waddooyinkan magaalada kuyaalla ee la furay, shacabka ayaana horey dhibaatooyin badan ugu qabay xirnaashaha waddooyinkan magaalada isku socodkooda muhiimka u ahaa.